Ururka ka shaqeya danaha shacabka islii oo ka hadlay qiimaha sarreeya ee guriyaha

Iyadoo waayadan dambe ay jirto cabasho ka soo yeereysa shacabka ku nool xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji magaaladatani Nairobi taasi oo ku aaddan qiimaha lagu kireeyo guriyaha la deggan yahay oo sarreeya ayaa waxaa arrinkaasi ka hadlay ururka ka shaqeeya danaha dadweynaha ee loo yaqaano Eastleigh Resident Community Association.
Guddoomiyaha ururkan, Xussen Roba oo u warramay idaacadda Star FM ayaa sheegay in cabashadan loo soo gudbiyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in arrintan ay tahay mid walaac laga muujiyo oo u baahan in dib u eegis lagu sameeyo.
Xussen Roba ayaa sido kale xusay inay doonayaan inay dhibaatadan kala hadlaan jaaliyadda ganacsatada islii si culeys dheeraad ah aan loo saarin dadka danyarta ah ee xaafadda deggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here