Ururka KNUN oo ka tacsiyadeeyay dhakhtar ismaamulka Isiolo ugu dhintay COVID-19

Ururka kalkaaliyaasha dalka ee KNUN ayaa u baroor diiqaya dhakhtar xanuunka COVID 19 ugu dhintay ismaamulka Isiolo.
Dhakhaatiirta dalka oo cabasho badan muujinaya ayaa ka walaacsan caabuqan sii kordhaya.
Xoghayaha guud ee ururka kalkaaliyaasha dalka ee KNUN, Seth Panyako ayaa sheegay in dhakhtarkii u geeriyooday cudurka Corona ee ismaamulka Isiolo loo soo qaaday isbitaalka qaran ee dalka Kenyaatta isagoona ku jiray qeyb xaaladda deg dega ah.
Seth Panyako ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowlad deegaanka Isiolo aysan ka jirin qeybta xaaladda deg dega ee ICU-da
Waxaa uuna dowladda ugu baaqay inay taagero u muujiso dhakhaatiirta safka hore kaga jirta la dagaalanka COVID 19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here