Ururka KNUT oo eedeyn u jeediyay guddiga TSC

Ururka qaran ee macallimiinta Kenya ee KNUT ayaa guddiga adeegga barayaasha ee TSC ku eedeyay inuusan ka qayb gelin qorsho la xiriira mushaar kordhin.
KNUT ayaa sheegtay in muddo hal sano ah , TSC ay ku howlanayd hannaan macallimiinta mushaar lagu siinaya oo laba nooc ah.
Xoghayaha guud ee dalladdan ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa ku andacoonaya in barayaasha uu hoggaamiyo takoor lagula kacay.
Waxaa uu xusay in macallimiinta xubnaha ka ah KNUT iyo barayaasha kale aan isku nidaam mushaarka lagu siin.
Mr. Sossion ayaa carrabka ku adkeeyay inaan marnaba la cabsi gelin Karin oo ay sii wadayaan inay u doodaan xuquuqda macallimiinta in kastoo sida uu hadalka u dhigay ay cadaalad darro kala kulmaan TSC.
Guddiga adeegga macallimiinta ayaan dhankiisa weli ka jawaabin eedeymaha kaga yimid xoghayaha guud ee KNUT.
Dhanka kale dalladda ay ku mideysan yihiin ururada shaqaalaha ee COTU ayaa ku baaqday kulan xal loogu raadinaya khilaafka ka dhexeya labadan dhinac.
COTU ayaa wasiirka wasaaradda shaqaalaha Simon Chelugui u qortay warqad ay ku dalbanayso inuu isugu yeero shir degdeg ah.
Shirkan ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan mas’uuliyiinta COTU, KNUT iyo TSC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here