Ururka KNUT oo weli ku adkeysanaya tallaabo ka dhan ah Wilson Sossion

Saraakiisha dhawaan la doortay ee ururka qaran ee macallimiinta dalka (KNUT) ayaa wacad ku maray inaynan ka laaban doonin go’aankii ay xilka qaadis ugu sameyeen xoghayihii guud ee dalladdaasi ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion.
Mas’uuliyiintan oo uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee cusub ee KNUT ,Hesbon Otieno ayaa hoosta ka xarriiqay inay diiradda saarayaan wax ka qabashada arrimaha ay tabanayaan barayaasha dalka.
Sossion ayay ku eedeyeen inuu caqaabad ku noqday fulinta barnaamijyada dowladda ee dhanka tacliinta.
Waxay ku dhaliilayaan inuu si joogta ah uga soo horjeestay guddiga adeegga barayaasha ee TSC taasina sida ay hadalka u dhigayaan ay dani ugu jirin waxbarashada dalka.
Hasa ahaate Mr. Sossion ayaa dhankiisa ku adkeysanaya inuunan jirin xil si sharci ah looga qaaday sidaasi awgeedna uu weli yahay xoghayaha guud ee rasmiga ee dalladda KNUT.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here