Ururka KUPPET oo 7 maalmood u qabtay wasiirka waxbarashada

Ururka macallimiinta dalka ee KUPPET ayaa ku baaqay in lacago ku filan la siiyo barayaasha saxaya warqadaha imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Xoghayaha guud ee dalladdan ,Akelo Misori ayaa sheegay in macallimiinta howshan ku guda jiro ay helayaan dhaqaale yar in kastoo sida uu hadalka u dhigay ay hayaan shaqo aan fududeyn.
Mr. Misori ayaa wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha u qabtay muddo toddobo cisho ah oo uu baaqan ku tixgelinayo.
Waxaa uu dhanka kale wacad ku maray in haddii wasaaradda tacliinta ay taasi ka gaabiso uu barayaasha xubnaha ka ah ururka KUPPET ee warqadaha saxaya uu ka dalban doono inaynan sii wadin shaqada ay hadda hayaan.
Mr. Misori ayaa sido kale cambaareeyay guddiga adeegga macallimiinta ee TSC oo uu ku dhaliilay inuu u hanjabay barayaal diiday inay imtixaannada saxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here