Ururka KUPPET oo doonaya in boolis ay ilaaliyaan dugsiyada dowladda

Ururka macallimiinta dalka ee KUPPET ayaa soo saaray soo jeedino dhowr ah oo lagu xoojinayo badqabka barayaasha wadanka.
Arrintan ayaa timid kaddib markii weerar maalmo ka hor ka dhacay deegaanka Fafi ee ismaamulka Garissa saddex macallin lagu dilay.
Guddoomiyaha KUPPET Omboko Milemba ayaa ku talinaya in dugsi kasta oo dowladeed oo ka tirsan gobolka waqooyi bari la geeyo ugu yaraan 2 sarkaal oo boolis ah si ay amniga u sugaan.
Sido kale waxaa uu xusay in macallimiinta tababarada soo qaatay ee hadda ka tirsan booliska iyo ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta in dugsiyada kala duwan ay ka howlgalaan.
Soo jeedinada KUPPET waxaa ka mid ah in dib u eegis lagu sameeyo xeerka dhigaya in macallinka goobta ugu horreysa ee la geeyo uu ka shaqeeyo ugu yaraan 5 sano ka hor inta aan la beddelin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here