Ururka KUPPET oo waalidiinta ugu baaqay inay u diyaar garooban dib ufurka dugsiyada

Ururka macallimiinta ee KUPPET ayaa ugu baaqay waalidiinta inay u diyaar garoobaan dib u furka dugsiyada ka hor bisha Janaayo ee sannadka 2021-ka.
Xoghayaha guud ee ururkan Akelo Misori ayaa ku booriyay dowladda inay ka fiirsato dib ufurka goobaha waxbarashada gaar ahaan dugsiyada hoose iyo dhexe iyo kuwa sare ka hor inta aysan iskuulada dib ufurin bisha Oktoobar.
Mr Misori oo ka mid ah guddi u wasiirka wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha u magacaabay dib ufurka goobaha waxbarashada ayaa warbixintooda maanta ku wareejiyay wasiirka.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in iyadoo lagu saleynayo kiisaska cudurka oo yaraaday in wasaaradda waxbarashada ay dib uga fiirsato go’aan keedi hore ee ahaa in dugsiyada dib loo furo bisha janaayo ee sannadka cusub.
Horaanti bishii July ee sannadkan ayey ahayd markii wasiirka wasaaradda waxbarashada uu sheegay in la kansalay sannad dugsiyeedkii 2020-ka.
Waxaa uu dhanka kale dowladda ugu yeeray inay taageerto dugsiyada sida gaarka loo leeyahay madaama saameyn xooggan ka soo gaartay cudurka COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here