Ururka LSK oo dalbaday in dugsiyada la furo

Madaxa ururka qareenada dalka ee LSK Harrison Kinyanjui ayaa warqad u qoray wasiirka wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha isagoo ka dalbanaya in dugsiyada dalka sida ugu dhaqsiyaha badan loo furo.
Mr. Kinyanjui ayaa qoraalka ku sheegay in hadii wasaaradda ay codsigan tixgelin dacwad ku aaddan arrinkan loo gudbin doono maxkamadda.
Madaxa LSK ayaa xusay inuu matalaya waalidiinta wadanka oo uu sheegay inay doonayaan in carruurtooda ay sii wataan waxbarashada hakadka ku yimid .
Bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan ayay ahayd markii dowladda ay xirtay dhammaan xarumaha waxbarashada.
Tallaabadan ayaa ka mid ah tallaabooyinka looga hor tagaya faafitaanka cudurka COVID19.
Madaxa garyaqaanada dalka ayaa ku doodaya inaynan macquul ahayn in dowladda ay furtay maqaayadaha iyo goobaha cibaadada dugsiyadana ay weli xiran yihiin.
Warqadda loo diray wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa nuqul ka mid ah la gaarsiiyay xeer ilaaliyaha guud ee wadanka Mr. Paul Kihara Kariuki iyo wasaaradda caafimaadka.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka tacliinta ee dalka uu sheegay in dib u furka dugsiyada ay ku xiran tahay sida loo xakameeyo faafitaanka cudurka COVID19 ee dalka iyo dunida oo dhan saameynta ku yeeshay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here