Ururka LSK oo ka soo horjeestay talooyin la xiriira isku imaatinka dadweynaha

Ururka ay ku mideysan yihiin qareenada dalka ee LSK ayaa sheegay inuu berri oo Isniin ah maxkamadda u gudbin doono arrimo uu dhawaan soo jeediyay golaha qaran ee qaabilsan ka talabixinta arrimaha amniga.
Talooyinkan ayaa ku aaddan qaabka loo wajahayo isku imaatinka dadweynaha.
Waxaa ka mid ah in qof waliba oo kulan dadweyne qabanqaabinaya laga doonayo inuu saraakiisha ammaanka ee deegaanka ku wargeliyo ugu yaraan saddex cisho ka hor.
Hasa ahaate madaxda ururka LSK Nelson Havi ayaa ku doodaya in talooyinkan aysan dastuurka waafaqsaneyn.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Kibera ee ismaamulka Nairobi ayuu Mr. Havi xusay in isku imaatinka shacabka ay xaq dastuuri ah tahay.
Khamiistii la soo dhaafay ayuu golaha wasiirada ee dalka ansaxiyay qodobada uu ku taliyay golaha NSAC oo uu guddoomiyo madaxa waaxda adeegga dadweynaha Joseph Kinyua.
Marka laga soo tago wargelinta , waxaa mas’uuliyiinta kulamada qabanaya looga baahan yahay inay ciidamada ammaanka kala shaqeyaan kala dambeynta dadka isku yimid si aysan rabshad u dhicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here