Ururka macallimiinta ee KNUT oo mushaar kordhin dalbaday

Ururka qaran ee barayaasha dalka ee KNUT ayaa dowladda ka dalbaday in ay macallimiinta dalladdan xubnaha ka ah u sameyso mushaar kordhin ah boqolkiiba ilaa 200.
Tallaabadan ayay KNUT sheegtay inay macallimiinta ka fududeynaysa sare u kaca maciishadda iyo saameynta cudurka COVID19.
Xoghayaha guud ee KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa guddiga adeegga macallimiinta ee TSC u sheegay in mushaar kordhinta ugu hooseysa ee ay oggolaan karaan ay tahay boqolkiiba 120.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda ay sannadkii 2017-kii , macallimiinta dalka kula heshiisay in musharaadka ay bil kasta qaataan loo kordhinaya inta u dhexeysa boqolkiiba 50 ilaa 60.
Mr. Sossion ayaa sheegay in la doonayo in mushaarka sannad kasta lagu kordhiyo boqolkiiba 5.0 iyo in lacagaha gunnooyinka ee dhanka hooyga in lagu daro boqolkiiba 50.
Xoghayaha ayaa sidoo kale TSC ka dalbaday inay boqolkiiba 50 kordhiso lacagaha gunnooyinka ee dhanka gaadiidka ,gunnooyinka la xiriira halista shaqo in lagu daro boqolkiiba 10 iyo macallimiinta xaaladaha adag ku shaqeeya in boqolkiiba 10 lacagaha loogu kordhiyo.
Ururka KNUT ayaa dalbanaya in TSC ay sida ugu dhaqsiyaha badan u guda gasho wada xaajood ku saabsan hannaanka mushaar kordhinta ee 2021-2023-ka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here