Ururka Macallimiinta ee KNUT oo Shaqa Joojin ku Hanjabay

84

Ururka   qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT ayaa wacad ku maray in xubnaha ka tirsan   ay shaqa joojin ku dhaqaaqayaan  iyadoo maanta la  filayo  inay kulan ka  qaataan wasiirka wasaaradda waxbarashada  Prof. George Magoha .

Shirkan ayaa   looga arrinsanayaa dhaqangalinta manhajka cusub  ee  tacliinta ee  2-6-3-3-3.

Xoghayaha guud ee  ururka KNUT  ahna  xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku  galay Mr. Wilson Sossion ayaa  dalbanaya  in shaqadooda dib loogu soo celiyo  160  barayaal ah oo guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ay shaqada ka istaajisay.

Mr. Sossion ayaa hoosta ka xariiqay in haddii TSC aynan  tallaabadii ka laaban , macallimiinta dalka ay guda galayaan shaqa joojin qaran.

Sido kale xoghayaha KNUT ayaa  wasaaradda  tacliinta   ka dalbaday inay hakad geliso  ku tallaaba qaadka  hannaanka cusub ee waxbarashada.

Wasiirka wasaaradda   waxbarashada  Prof. George Magoha ayaa dhankiisa sheegay inuunan awood dastuuri ah u lahayn inuu  meesha ka saaro amarka ka soo baxay  guddiga TSC oo uu shaqadooda  dib ugu celiyo macallimiinta la ceyriyay kaddib markii lagu  helay  habdhaqamo aan wanaagsanayn.

Barayaashan   talllaabada sharciyeed laga qaaday ayaa   lagu  eedeyay u inay  carqaladeyeen tababar  bishii hore loo samaynayay 91,320  oo macallimiin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here