Ururka macallimiinta ee Knut oo weli ka soo horjeeda manhajka cusub ee waxbarashada

Ururka qaran ee macallimiinta dalka KNUT ayaa sare u sii qaaday sida uu uga soo horjeedo in wadanka laga dhaqangeliyo manhajka cusub ee waxbarashada.
Xoghayaha guud ee ururkan ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa hoosta ka xariiqay inaynan garab siin doonin ku tallaabo qaadka nidaamkan la doonayo in lagu beddelo mdka 8-4-4.
Mr. Sossion ayaa ku doodaya in dhaqangelinta hannaankan cusub ay tahay sharci darro maadaama sida uu hadalka u dhigay aynan waafaqsanayn dastuurka dalka u degsan.
Dhawaan ayay ahayd markii wasaaradda waxbarashada ay tababaro u sameysay macallimiinta qaar in kastoo Sossion iyo mas’uuliyiinta kale ay tallaabadaasi dhaliileen.
Sossion ayaa ku doodaya in dugsiga qaar aynan lahayn macallimiin ku filan sido kalena tababarka barayaasha la siiyay aan si buuxda loo adeegsan Karin.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa dhankiisa sheegay welina ku adkeysanaya in dowladdu aynan dib uga laaban doonin qorshaha ay waddo, ciddii isku dayda inay hor istaagtana tallaabo sharciyeed laga qaadayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here