Ururka macallimiinta ee KUPPET oo baaq u diray siyaasiyiinta waqooyi bari

Ururka macallimiinta ee KUPPET ayaa madaxda siyaasadeed ee gobolka waqooyi bari ugu baaqay inay diiradda saaraan sidii looga hor tagi lahaa weerarada lagu bartilmaameedsado barayaasha aan dhalasho ahaan ka soo jeedin ismaamullada ay ka howlgalaan ee Garissa, Wajeer iyo Mandera.
Xoghayaha guud ee dalladan Akelo Misori ayaa hoosta ka xarriiqay inaan loo baahneyn in la eedeeyo sida uu hadalka u dhigay dhibanayaasha.
Wuxuu intaas ku daray inay lagama maarmaan tahay in hoggaamiyaasha gobolka ay si dhow ula shaqeeyaan dowladda si amni darrada xal loogu helo.
Mr. Misori ayaa xusay in ka urur ahaan aynan diyaar u ahayn baroordiiq ay u sameeyaan macallin kale oo weerar lagu dilay.
Sido kale xoghayaha KUPPET ayaa carrabaabay inay taageerayaan go’aanka guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu macallimiinta uga soo wareejiyay gobolka taasoo uu ku sheegay mid mudnaanta koobaad lagu siiyay badqabka barayaasha.
Dhawaan ayay ahayd markii Siyaasiyiinta gobolka waqooyi bari oo ay hor kacayaan barasaabyada ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera ee kala ah Cali Bunow Qorane , Maxamad Cabdi Maxamuud iyo Cali Ibraahim Roba ay guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ka dalbadeen inuu deegaanada kala duwan ee gobolka dib ugu celiyo ku dhawaad 3000 oo ah macallimiin wax ka dhigayay dugsiyada kuwaasoo la soo wareejiyay kaddib falal amni darro oo dhacay.
Guddoomiyaha Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa wax laga xumaado oo nasiib darro ah ku tilmaamay in sida uu hadalka u dhigay TSC ay ku kacday takoor ka dhan ah ardayda dalka.
Waxaa uu madaxa fulinta ee guddiga TSC Mrs. Nancy Macharia ka dalbaday inay ka laabato hadal ka soo yeeray oo la qoonsaday.
Aadan Keynaan , xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee Wajeer ayaa dhankiisa xusay inay xiranyihiin dhammaan dugsiyada ku yaallo halka laga soo doortay.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi ayuu ugu baaqay inuu qaado tallaabo degdeg ah oo xal loogu raadinaya xaaladda cakiran ee dhanka tacliinta ee ka jirta gobolka waqooyi bari.
Senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa isna carrabka ku dhuftay in hadii macallimiinta laga soo wareejiyay dowlad deegaanada gobolka aan sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu celin loo fasiran karo in Kenya ay gacmaha taagatay oo ay isku dhiibtay Al-Shabaab .
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa madaxda waqooyi bari u ballanqaaday inuu qabanqaabin doono shir looga arrinsanayo caqabadda taagan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kulankaas ay ka soo qeyb galayaan saraakiisha wasaaradda uu hoggaamiyo, midda waxbarashada , guddiga adeegga macallimiinta ee TSC iyo siyaasiyiinta Garissa, Wajeer iyo Mandera .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here