Ururka macallimiinta ee KUPPET oo beeniyay war laga faafiyay

Ururka macallimiinta ee KUPPET ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegay in dalladdan ay soo jeedisay in ardayda iyo macallimiinta ay dugsiyada xaadiraan maalinka Axadda.
Qoraal ka soo baxay waaxda KUPPET u qaabilsan dhanka isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in aysan sax ahayn in ururkan uu ogolaaday in barayaasha ay shaqeyaan muddo toddobo maalmood ah.
KUPPET ayaa xubnaha ka tirsan ku wargelisay in wararka la faafinaya ee faaliska ah ay iska dhaga tiraan.
Waxay intaa ku dartay in lagu soo dhisay oo ayna si buuxda ugu shaqeyso shuruucda wadanka sidaas awgeedna aynan marnaba u ololeyn karin tallaabo ka dhan ah xuquuqda xubnaha ay matasho iyo shaqaalaha.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here