Ururka macallimiinta ee KUPPET oo dalbanaya in imtixaannada qaran dib loo dhigo

Ururka macallimiinta dalka ee KUPPET ayaa Dowladda dhexe ka dalbaday inay dib u dhigto imtixaannada qaran ee shahaaddiga ee sannadkan maadaama cudurka Covid19 uu saameyn ku yeeshay jadwalkii waxbarashada ee dugsiyada dalka.
Waxaa gebi ahaanba xiran goobihii tacliinta ee wadanka iyadoo carruurta ay guriyaha joogaan.
Xoghayaha guud ee KUPPET , Akelo Misori ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xaalladda jirta iyo sida ay noqon doonto oo aan la saadaalin Karin awgeed , Dowladda laga doonayo inay baaqan tixgeliso.
Wasaaradda waxbarashada iyo golaha imtixaannada qaran ee KNEC ayuu sheegay inay Khasab tahay inay dib u dhigaan xilliga la qorsheeyay inay ardayda fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare ay u fariistaan KCPE-da iyo KCSE-da.
Mr. Misori ayaa carrabka ku adkeeyay in walaaca ardayda iyo waalidiinta ku beermay uu sababi karo in imtixaannada lagu sameeyo jawi aan ku habbooneyn.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale Dowladda ay waddo qorsho ardayda ay waxbarashada qaab dijitaal ah ugu sii wadan karaan.
Bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu amray in dugsiyada la xiro muddo 30 cisho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here