Ururka macallimiinta ee Kuppet oo soo dhaweeyay dadaallada ay Kenya ku xakameynayso Coronavirus

Ururka barayaasha dalka ee KUPPET ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo dadaallada maamulka talada wadanka haya ee Jubilee uu ku doonayo in lagu xakameeyp faafidda caabuqa coronavirus ee sababo cudurka COVID-19.
Arrintan ayaa timid kaddib markii galinkii dambe ee shalay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu shaaciyay in ilaa iyo hadda gudaha wadanka laga xaqiijiyay saddex kiis oo caabuqa la xiriira.
Mr. Kenyatta ayaa xilligaas ku dhawaaqay amarro dhowr ah oo qaar ka mid ah ay maanta dhaqangalayaan.
Laga billaabo maanta waxaan sii jiri doonin howlaha tacliinta ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee ardayda ay guriyahooda uga hooydaan ee loo yaqaano day schools .
Ardayda dhiganaya dugsiyada leh qeybta jiifka ee boarding, maamulka waxaa laga doonaya inuu xaqiijiyo in ardayda guriyahooda loo diray ugu dambeyn Arbacada oo ay taariikhdu tahay 18-ka bishan.
Jaamacadaha iyo machadyada farsamada waxaa la xiraya Jimcada oo ay taariikhdu tahay 20-ka bishan.
Xoghayaha guud ee ururka KUPPET , Mr Akelo Misori ayaa sheegay in tallaabada lagu hakinaya waxbarashada xarumaha kala duwan ay tahay mid wanaagsan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inay dowladda ka dalbadeen inay amarro noocan oo kale ah soo saarto si loo yareeyo walaaca iyo cabsida uu abuuray caabuqa.
Mr. Akelo ayaa ku nuuxnuuxsaday in dowladda laga doonayo inay xaqiijiso badqabka ardayda dalka.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha ayaa dhankiisa maamulayaasha dugsiyada ku amray inay xaqiijiyaan in ardayda isku arko qandho, qufac iyo culeys dhanka neefsashada ah ay helaan daryeel caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here