Ururka macallimiinta KNUT oo doonayo inuu kulan la qaato TSC

Ururka qaran ee macallimiinta dalka ee magaciisu loo soo gaabiyo KNUT ayaa doonaya inuu maanta oo isniin ah kulan la yeesho guddiga adeegga barayaasha ee TSC.
Xoghayaha guud ee KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa sheegay inay ku tala jiraan in labada dhinac ay ka wada hadlaan qaabka lagu dhaqangalin karo amar jimcihii ka soo baxay maxkamadda shaqaalaha ee dalka.
Maxkamadda ayaa dhinac isaga dhigtay ku tallaaba qaadka xeerarka TSC ee qeexaya in macallinka oo la dallacsiiyo lagu saleynayo waxqabadkiisa.
Go’aanka maxkamadda ayaa noqday mid ay si weyn ugu riyaqeen ururada barayaasha dalka.
Mas’uuliyiinta KNUT ayaa dadaal ugu jiro sidii loo dallacsiin lahaa 50,000 oo macallimiin ah.
Mr. Sossion ayaa dhanka kale sheegay inay macallimiinta qaadi doonaan tallaabo sharciyeed haddii TSC ay aaddo maxkamadda oo ay gubiso dacwad la dhan ah go’aanka maxkamadda.
Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaana la filayaa inuu maanta oo isniin ah maxkamadda geeyo racfaan uu uga soo horjeedo go’aankii dhawaan soo baxay.
Garsoore Byram Ongaya ayaa ururka qaran ee macallimiinta dalka KNUT iyo guddiga TSC ku amray inay isla meel dhigaan waxyaabo ay isku hayaan oo dhanka shaqada ah.
Hasa ahaate kulan ay sabtidii shir guddoomisay madaxa fulinta ee TSC Nancy Macharia ayaa laga soo saaray in arrinkan racfaan laga qaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here