Ururka qareenada dalka oo hoggaan cusub yeeshay

Guddoomiyaha ururka qareenada dalka ee LSK ayaa waxaa loo doortay Nelson Havi kaddib codeyn shalay ka dhacday maxkamadaha wadanka
Mr. Havi waxaa la tartamayay oo uu loolanka kaga adkaaday Charles Kanjama , Harriette Chiggai iyo Maria Mbeneka oo dhammaantood qiray in laga guulaystay.
Mr. Kanjama ayaa Havi u hambalyeeyay wuxuuna sheegay inuu rajeynayo inuu ka soo baxo shaqada loo igmaday.
Qareenada kala ah Donald Kipkorir iyo Kipchumba Murkomen ayaa sido kale hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee LSK.
Codeynta uu ku soo baxay Nelson Havi ayaa timid kaddib markii uu dhammaaday muddo xileedkii Mr. Allen Waiyaki Gichuhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here