Ururka qareenada dalka oo sheegay in ay maxkamad tagi doonaan oo ka dhan bandowga habeenkii

Ururka qareenada dalka ee loo soo gaabiyo LSK ayaa maalinimada isniinta maxkamada ugudbin doona dacwad ka dhan ah bandowga habeenkii ay dowlada ku soo ragtay dalka kaas oo dhaqan galay xalay iyadoo looga gon leeyahay xakameynta cudurka coronavirus.
Guddoomiyaha ururka qareenada dalka Nelson Havi, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in bandowga 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo uu yahay mid aan dastuuri ahayn, isagoo sidoo kale ku eedeeyay saraakiisha booliiska in ay awood u adeegsadeyn shacabka isagoo taasi ku tilmaamay sharci daro.
Waxaa uu dhanka kale muwaadiniinta kenyaanka ku boorriyay inay diiwaangeliyaan dhammaan dhacdooyinka naxariisdarrada ay booliska geysteen si maxkamad la soo taago saraakiisha booliiska ee mas’uulka ka ah.
Arrintaan ayaa timid kadib markii booliska ay garaaceen muwaadiniin Kenyaan ah oo banaanka lagu arkay xiligii bandowga iyadoo abanduulaha booliska Mr Hillary Mutyambai sheegay in cidii xiligaas la qabto maxkamd lala tigsan doona.
Bandowga ayaa jiraya inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa iyo 5-ta aroornimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here