Ururka qareenada ee LSK oo sheegay in madaxweynaha uu haysto ilaa October 12-ka si uu u kala diro baarlamanka

Ururka qareenada dalka ee (LSK) ayaa sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu haysto ugu dambayn ila 12-ka bisha Oktoobar ee sannadkan si uu u kala diro baarlamanka maadama ay meel marin wayeen sharciga jinsiyadda saddex meelood laba meel.
Ururka ayaa sido kale doonaya in mushaaraadka xildhibaanada la joojiyo, Saraakiisha ilaaladana lagala laabto iyo in la xiro xafiisyada deegan baarlamanedyada 12-ka Oktoobar.
LSK ayaa sheegeysa inay jiri doonin nafas ka dhan ah sharciga.
Guddiga IEBC ayaa muddo 90 maalmod gudahood waxay ku qabani doorasho wadareed oo ku celis ah, kuwa la doortana ay xafiiska joogayaan inta ka dhiman.
LSK ayaa sheegtay in hadii baarlamanka la kala diro aysan saameyn ku yeelan doonin xilligga madaxweynaha, guddomiyaasha ismaamulada iyo golaha hoose ee ismaamulada.
Madaxa Ururka Qareenada dalka LSK Nelson Havi ayaa xusay in madaxweynaha uu ku xadgudbayo dastuurka hadii uu baarlamanka kala diri waayo ka hor ama ugu dambayn 12-ka Oktoobar 2020-ka.
Havi ayaa sheegay in hadii madaxweynaha uu talaabo qaado ama qaadi waayo ,baarlamanka uu yahay mid sharci darro ah laga bilaabo 12-ka Oktoobar 2020-ka.
LSK ayaa waxay xusen in madaxa cadaaladda uu go’ankaasi qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here