Ururka qareenada oo sheegay inuu maanta socdaal bannaanbax ah ku tagaya baarlamaanka

Ururka ay ku mideysan yihiin qareenada dalka ee LSK ayaa wacad ku maray inuu maanta muujin doono sida ay sharci darro u tahay inuu weli baarlamaanka dalka sii shaqeeyo iyadoo madaxweynaha lagula taliyay inuu kala diro xildhibaanada.
Madaxa LSK Nelson Havi, ayaa xusay inay socdaal dibadbax ah ku tagi doonaan xarunta golaha qaran ee xeer-dejinta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabadan ay tahay mid hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta lagu cadaadinayo inuu fuliyo taladii ugu timid madaxa cadaaladda ee wadanka Mr. David Maraga.
Mr. Havi ayaa carrabka ku adkeeyay in madaxweynaha laga doonayo inuu ilaaliyo sharciga oo uu raaco talada Maraga.
Labo toddobaad ka hor ayuu madaxa garsoorka ee dalka Mr. David Maraga soo jeediyay in madaxweyne Kenyatta uu baarlamaanka jebiyo kaddib markii uusan ku guulaysan inuu ansaxiyo nidaamka sinaanta jinsiyadda.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa horay u soo saartay amar lagu hor istaagaya ku talaaba qaadka talada Maraga ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dacwad ay gudbiyeen labo qof oo muwaadiniinta dalka ka mid ah.
Hasa ahaate Nelson Havi madaxa LSK ayaa ku doodaya in madaxweynaha uusan qayb ka ahayn dhinacyada la doonaya inay dacwaddaas ka jawabaan.
Dhanka kale ururka garyaqaanada ee LSK ayaa sheegay inuu berri maxkamadda u gudbin doono dacwad uu kaga soo horjeedo arrimo uu dhawaan soo jeediyay golaha qaran ee qaabilsan ka talabixinta arrimaha amniga.
Talooyinkan ayaa ku aaddan qaabka loo wajahayo isku imaatinka dadweynaha.
Waxaa ka mid ah in qof waliba oo kulan dadweyne qabanqaabinaya laga doonayo inuu saraakiisha ammaanka ee deegaanka ku wargeliyo ugu yaraan saddex cisho ka hor.
Madaxa LSK Nelson Havi ayaa ku doodaya in talooyinkan aysan dastuurka waafaqsaneyn.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Kibera ee ismaamulka Nairobi ayuu Mr. Havi xusay in isku imaatinka shacabka ay xaq dastuuri ah tahay.
Khamiistii la soo dhaafay ayuu golaha wasiirada ee dalka ansaxiyay qodobada uu ku taliyay golaha NSAC oo uu guddoomiyo madaxa waaxda adeegga dadweynaha Joseph Kinyua.
Marka laga soo tago wargelinta , waxaa mas’uuliyiinta kulamada qabanaya looga baahan yahay inay ciidamada ammaanka kala shaqeyaan kala dambeynta dadka isku yimid si aysan rabshad u dhicin.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here