Ururka qareennada dalka oo doonaya in xilka laga qaado madaxweynaha wadanka

Ururka ay ku mideysan yihiin garyaqaanada wadanka ee LSK ayaa sheegay inuu baarlamaanka iyo aqalka sare u gudbin doono dacwad ku saabsan xilka ka xayuubinta hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Madaxa LSK Mr. Nelson Havi ayaa sheegay in tallaabadan ay ku saleynayaan in madaxweynaha uu si cad iskaga indha tiray amarrada maxkamadda sido kalena uu ku xadgudbay dastuurka wadanka u degsan.
Mr.Havi ayaa warfidiyeenka u sheegay in Mr. Kenyatta uu ku dhaartay ilaalinta dastuurka hasa ahaate golaha fulinta uu u muuqdo in u hoggaansanka dastuurka ay dhib ku tahay.
Madaxa LSK ayaa sheegay inay muddo 6 bilood ah ka soo wareegatay xilligii madaxa cadaalada ee dalka Mr. David Maraga uu codsaday in la dhaariyo 41 garsoorayaal ah in kastoo madaxweynaha uunan qaadin tallaabo taasi ku aaddan.
Havi ayaa sheegay in la taliyayaasha madaxweynaha ee dhanka sharciga sida xeer ilaaliyaha guud iyo mas’uuliyiinta kale ay hoggaamiyaha wadanka siinayaan talo khadlan ama inuunan dhageysan.
Hadalka madaxa LSK ayaa ku soo aadaya hal maalin un kaddib madaxii madaxa cadaaladda ee dalka Mr. David Maraga uu walaac ka muujiyay culeys ka haysta dhanka hoggaanka ugu sarreeya ee dowladda.
Maraga ayaa sheegay inay saameyn ballaaran ku timid howlaha maxkamadaha wadanka.
Waxaa uu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo golaha fulinta ku eedeyay inay caqabad ku noqdeen geedisocodka arrimaha garsoorka.
Maraga ayaa hoggaamiyaha dalka ku dhaliilay inuu diiday inuu dhaariyo garsoorayaal uu soo jeediyay guddiga adeega garsoorka ee JSC.
Madaxa cadaaladda dalka ayaa hoosta ka xarriiqay inuu iskudayay inuu la kulmo Mr.Uhuru Kenyatta si ay uga wada hadlaan shaqaleysinta garsoorayaal gaaraya 41 balse uu ku guul dareystay.
Golaha fulinta ee dalka ayuu xusay inuu dafiray amarrada maxkamadda.
Maraga ayaa intaa ku daray in hadii dacwad loo gudbiyo maxkamadda qaabilsan arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee Milimani magaaladatani Nairobi , kiiskaas la dhagaysan karo sannadka 2022-ka.
Madaxa cadaaladda oo faahfaahinaya tirada yar ee garsoorayaasha ee ka howlgalo maxkamadaha kala duwan ee dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in qeybta dhageysata dacwadaha la xiriira deegaanka ay ka shaqeyaan xaakinno dhan 33 halka kiisaska u yaalla ay dhamaadkii bishii saddexaad ee sannadkan ahayeen 16, 457 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here