USAID oo xariga ka jaraysa barnaamijka nafaqada ee Marsabit

Bayaan ay soo saartay safaaradda Maraykanka ee magaaladatani Nairobi oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacadda Star FM ayaa lagu sheegay in maanta oo talaado ah hay’adda horumarka caalamiga ee xukuumadda Washington ee USAID ay daahfuri doonto barnaamijka nafaqada ee dowlad deegaanka Marsabit.
Waxaa sido kale arrintan gacan ka gaysanaya xafiiska (FFP).
Ujeedada laga leeyahay ayaa ah in la yareeyo nafaqo darrada aadka u sarreysa ee ka jirto waqooyiga dalka.
USAID ayaa muddo 5 sano ah dhaqaale dhan 186 milyan oo doolar ku bixin doonto sidii xal waara loogu heli lahaa cunno yarida iyo dhibaatooyinka dhanka nafaqa la’aanta ee ka jiro ismaamullada Isiolo, Marsabit, Samburu iyo Turkana.
Hay’adda USAID iyo dowladda ismaamulka Marsabit ayaa wada saxiixan doono heshiis arrinkan ku aaddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here