Uzbekistan oo xayiraad labaad soo rogaysa 10-ka bishan

Dowladda dalka Uzbekistan ayaa sheegtay inay maalinka Jimcaha ee 10-ka bishan Toddobaad ay soo rogi doonto xayiraadii labaad ee dhanka isku socodka.
Tallaabadan oo lagu dhaqaaqi doono inta u dhaxaysa Jimcada ilaa 1-da bisha sideedaad ayaa la doonaya in lagu xakameeyo kiisaska sii kordhaya ee fayraska corona.
Xaaladaha wadanka Uzbekistan ayaa sare u kacay tan iyo markii dabayaaqadii bishii shanaad la fududeeyay xayiraadii jirtay.
Waxaa la xaddidaya dhaqdhaqaaqa baabuurta sido kale waxaa la xiraya dukaamada waaweyn ee aan cuntooyinka iibin , suuqyada, baakinnada , maqaayadaha , garoomada diyaaradaha iyo goobaha madadaalada.
Ilaa iyo hadda waxaa dalkaas laga xaqiijiyay 11,000 oo ah kiisaska cudurka COVID19 iyo dhimasho ka dhalatay oo dhan 40 .
Wadanka dariska la ah ee Kazakhstan ayaa sido kale 5-tii bishan soo rogay xayiraadii labaad ee dhanka isku socodka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here