Veitnam oo xayiraad ku soo rogtay magaalada saddexaad ee ugu weyn

Dalka Vietnam ayaa xayiraad ku soo rogay magaalada saddexaad ee ugu weyn dalkaasi mudda laba todobaad kaddib markii Xaruun caafimaad lagu arkay 15 kiis oo COVID-19.
Baaburta dadweynaha ee soo galaya ama ka baxa magaalada Danang ayaa la kansalay, maalmihi aynu soo dhaafnay kumanaan dalxisayaal ah oo u dhashay dalkaasi ayaa waxay ku khasabtay inay kansalaan fasaxooda.
Xayiraadda ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay waaxda dalxiiska, tani ayaa imaaneysa iyada oo ay ka soo kabsaneysay saamayntii ka dhalatay wixi ka horeeyay bishii afaraad kadibna kiisaska hoos u dhaceen.
Kaddib markii la xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay ayaa dadkii huteelada daganaa ayaa waxay iyaguna soo afjareen inay sii joogaan huteelada iyo safaradii ay u balansanaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here