Venezuela oo Bandow ku soo rogtay magaalooyinka dhanka xadka ku yaalla

Dad safar ka soo laabtay

Dowladda Venezuela ayaa bandow hor leh ku soo rogtay magaalooyinka dhaca xadka uu dalkaas la wadaago wadamada dariska la ah ee Colombia iyo Brazil.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ay kordheen kiisaska caabuqa corona ee halkaas laga xaqiijiyay.
Wasiirka warfaafinta ee Venezuela Jorge Rodriguez ayaa sheegay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaangeliyay 131 ah kiisas cusub.
Tiradan ayaa lagu sheegay midii ugu badneyd ee hal maalin gudaheed ah laga xaqiijiyay Venezuela.
110 ka mid ah dadka laga helay cudurka covid-19 waxay ka soo laabteen safarro ay dibadda ku tageen.
In ka badan oo ka mid ah shacabka Venezuela ayaa shaqooyin u raadsaday dalalka Colombia, Peru iyo Ecuador kaddib markii uu hoos u dhacay dhaqaalaha wadankaas.
Shakhsiyaadka ka soo laabanaya wadamada kale ee soo galaya Venezuela ayaa muddo 14 cisho ah galaya karantiil khasab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here