Vietnam oo laga xaqiijiyay 12 kiis oo cusub oo coronavirus ah

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Vietnam ayaa sheegtay inay diiwaangelisay xaalado cusub oo la xiriira fayraska corona oo dhan 12.
Kiisaskan ayaa dhammaan lagu arkay dad lagu hayay goob karantiil kaddib markii ay ka soo laabteen safarro ay ku tageen Ruushka.
Vietnam lagama soo tabin wax dhimasho oo ka dhalatay cudurka COVID19.
Xaaladaha caabuqa corona ee ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay ayaa ah 396 waxaana caafimaaday boqolkiiba 90 ee bukaanka uu xanuunka soo ritay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here