Vietnam oo lagu xiray 8 qof

Ciidamada booliska ee dalka Vietnam ayaa xabsiga u taxaabay 8 qof oo lala xariirinayo meydad dhan 39 oo maalmo ka hor laga helay ingiriiska.
Meydadkaasi ayaa bishii hore laga helay meel u dhow magaalada London ee ingiriiska iyagoo ku jiray mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Waxaa la rumeysan yahay in dadkaasi ay u dhasheen wadanka Vietnam.
Tani aya ilaa iyo hadda dadka dhacdadaasi loo qabtay ee gudaha Vietnam ka dhigaysa 10 qof.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii laamaha ammaanka ee Britain ay dacwad ku soo oogeen laba qof oo falkan lala xiriirinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here