Vietnam oo xaqiijisay saddex kiis oo dheeraad oo caabuqa Corona ah

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Vietnam ayaa maanta sheegtay in la xaqiijiyay saddex kiis oo dheeri ah oo ku saabsan caabuqa dunida ku sii fidaya ee Coronavirus.
Waxay tani tirada kiisaska ee ilaa iyo hadda lagu arkay Vietnam ka dhigaysaa 8.
Wararka ayaa intaas ku daraya in bukaannadan cusub ay diyaarad ka soo baxday magaalada Wuhan ee Shiinaha taaso timid Vietnam ay la saarnaayeen dad baaritaano lagu sameeyay 30-kii bishii hore.
Dowladda Vietnam ayaa ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo degdeg ah waxayna hakisay dhammaan duulimaadyadii lagu tagayay ama looga soo safrayay Shiinaha.
Sido kale dowladda ayaa shacabka ku boorisay inay xaddidaan isku imaatinka dadka tirada badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here