Waalidiinta ardaydii lagu laayay jaamacada Garissa oo dalbanaya in kiiskaooda ay dhageeystaan saddex garsoorayaal ah

Qaar kamid ah waalidiinta 28 arday oo ka mid ahaa kuwii lagu laayay jaamacada Garissa ku dhawaad shan sanno ka hor ayaa hadda doonaya in kiiskooda ay dhageeystaan shan garsoorayaal ah.
Kiiskan ayaa waxaa ay ka gudbiyeen dowladda iyaga oo ku eedeeyay taxadar la’an xiligi la weerarayay jaamacadaasi.
In dacwaddan maxkamadda la geeyo waxaa kalain ku lahayd hay’adda xuquuqda aadanaha ee lagu magacaabo “Kituo cha sharia” waxaa ayna doonayaan in madaxa cadaaladda ee dalka David Maraga uu magacaabo saddex garsoore si ay u dhageeystaan kiiskan.
Dacwad oogayaasha oo maalinkii shalay ahayd hor tagay garsooraha maxkamadda sare, James Makau ayaa sheegay in kiiskooda uu soo saaray su’aalo sharci ah oo la xiriira xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul aadanaha.
Kiiskan oo dhageysigiisa aan weli aan la billaabin ayaa waxaa lagu soo kor dhiyay su’aalo dhowr ah oo ka dhan ah argigixisada, xuquuqda aadanaha iyo amniga qaranka.
Su’aalaha ayaa waxaa sido kale kamid ah inay waajib tahay in kaliya qaar kamid ah qeeybaha wadanka la geeyo saraakisha amniga xiliyada ay dhacayaan weerarada.
Dacwad oogayaasha ayaa ugu baaqaay maxkamada inay farto hay’adda kormeerka ku sameeysa arrimaha booliska ee IPOA iyo guddiga maamulka cadaalada ee CAJ inay soo saaran warbixinta dhabta ah ee weerarkii jaamacada Garissa.
Waalidiinta ayaa hadda dacwad ka gudbiyay wasiirada wasaaradaha kala ah difaaca, tacliinta iyo arrimaha gudaha.
Sido kale waxaa dacwada laga gudbiyay abaandulaha booliska qaranka, Jaamacadda, xeer ilaaliyaha guud, hay’aada kormeerka ku sameeysa arrimaha booliska ee IPOA iyo guddiga maamulka cadaalada ee CAJ.
Waalidiinta ayaa waxaa ay sido kale kiiska ku sheegeen in dowladda ay hilmaantay dhowr tilmamood oo muhiim u ah arrimaha sirdoonka taas oo ka hor tagi lahaa weerarkii lagu qaaday ardeeydii jaamacada Garissa.
2-dii bishii Afaraad ee sannadkii 2015-kii ayaa waxaa kooxda Al- Shabaab ay weerar ku qaadeen jaamacada Garissa taas oo ay ku dileen ardey dhan 148.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here