Waalidiinta dalka oo soo dhaweeyay manhajka cusub ee waxbarashada

Ururka qaran ee ay ku mideysanyihiin waalidiinta dalka ayaa tageeray dadalka wasaaradda tacliinta ay ugu jirto in gudaha wadanka laga dhaqangaliyo manhajka cusub ee waxbarashada 2-6-3-3-3.
Nidaamkan oo lagu beddelayo midka 8-4-4 ayaa lagu ammaanay inuu xoogga saarayo sidii ardayda looga soo dhisi lahaa dhanka xirfadaha.
Guddoomiyaha ururka qaran ee waalidiinta ,Nicholas Maiyo ayaa sheegay inay doonayaan in carruurtooda ay helaan tacliinta ugu tayada fiican.
Waxaa uu intaasi ku daray in geedisocodka dhaqangalinta hannaanka cusub ee waxbarasho uu yahay mid la dardargeliyay.
Mr. Maiyo ayaa xilli uu ku sugnaa xarunta horumarinta manaahijta waxbarasho ee KICD sheegay inay jiraan caqabado la xariira howshan oo loo baahan yahay in xal loo helo.
Caqabadaha ku hor gudban dhaqangelinta manhajka tacliinta ayuu ku sheegay inay ka mid yihiin tallaabada ay uga soo horjeesteen xubnaha ururka qaran ee macallimiinta KNUT , waalidiinta oo aan wacyigelin ballaaran loo samayan iyo dadweynaha oo aan si buuxda looga qeyb gelin.
Guddoomiyaha waalidiinta dalka ayaa wasaaradda waxbarashada ugu baaqay inay cid waliba oo ay si gaar ah u khuseyso tacliinta ka qeyb geliso dhaqangelinta hannaankan.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in dowladdu ay wadatashi la samayn doonto cid waliba oo ay si gaar ah u khuseyso tacliinta.
Prof. Magoha ayaa arrinkan shaaca ka qaaday xilli uu daahfuray tababar loo samaynayo in ka badan 1,400 sarkaal oo ka kala tirsan wasaaradda, guddiga adeegga macallimiinta ee TSC , machadka horumarinta manaahijta ee KICD iyo golaha imtixaanada qaran ee KNEC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here