Waalidiinta gabdhaha yaryar ragga u guurinaya oo la xiraya

Xoghayaha sare ee wasaaradda tacliinta ee dalka Mumina Bonaya ayaa guddoomiyaha xaafadeedyada ku amartay inay raadiyaan oo ay xabsiga u taxabaan waalidiinta gabdhaha ardayda ah guurka kula degdegaya.
Waxay carrabka ku dhufatay in iyadoo dugsiyada ay xiran yihiin oo ay ardayda guriyaha joogaan , waalidiinta qaar ay fududeynayaan in gabdhahooda la guursado.
Sido kale waxay soo jeedisay in waalidiinta ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa carruurtooda gaar ahaan gabdhaha.
Dhawaan ayay ahayd markii warbixin la soo saaray lagu sheegay in bilooyin gudahood ismaamulka Machakos lagu uureeyay ilaa 4000 oo gabdhood taasoo dhalisay hadal hayn badan.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in dowladda ay baaritaano dheeraad ah sameyn doonto si loo xaqiijiyo waxyaabaha lagu sheegay warbixinta la soo bandhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here