Waalidiinta oo laga dalbaday inay bixiyaan lacagaha dugsiyada

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa waalidiinta ay carruurtooda dhigtaan dugsiyada leh qaybta jiifka ka dalbatay inay bixiyaan lacagaha lagu yeeshay.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday xoghayaha joogtada ee wasaaradda tacliinta dalka Dr. Belio Kipsang.
Tani ayaa timid kaddib markii maamulayaasha dugsiyada ay cabasho ka muujiyeen inaysan haysan qarashaad ay ku maareen karaan howlaha waxbarashada ee xarumahooda.
12-kii bishan ayay ahayd markii ay dugsiyada dib ugu laabteen ardayda dhigata fasallada afaraad iyo sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo ardayda fasalka afaraad ee dugsiyada sare.
Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay in kastoo uu jiro culeys dhaqaale oo uu sababay cudurka COVID19 haddana waalidiinta laga doonayo inay waajibaadkooda gutaan.
Xoghayaha ayaa dhanka kale xusay inuusan weli wax iska beddelin qorshaha ay dowladda si buuxda ugu fureyso dugsiyada.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa kordhay kiisaska coronavirus ee gudaha dalka waxaana soo baxay baaq dowladda loo jeedinaya oo ah inay xirto xarumaha waxbarashada .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here