Waaxda adeegga dhallinyarada ee NYS oo shaqaaleysiin sameynaysa

Waaxda qaran ee adeegga dhallinyarada ee NYS ayaa shaaca ka qaadday in da’yarta doonaya inay ku biiraan la howlgelin doonto inta u dhexeysa 2-da ilaa 6-da bisha Nofeembar ee sannadkan.
Dhallinyarada ku sugan dhammaan ismaamullada dalka ee doonaya inay fursaddan ka faa’iidaystaan ayaa lagu booriyay inay diyaar garobaan.
Waxaa lagula taliyay in marka la gaaro xilliga shaqaaleysiinta ay si weyn ugu soo baxaan.
Shuruudaha la doonayo inay buuxiyaan dhallinyarada laga howlgelinayo NYS waxaa ka mid ah in ay da’dooda u dhexeyso 18 ilaa 26 sano.
Sidoo kale waa in ay sitaan aqoonsiga dallka oo ayna diyaar u yihiin in la mariyo tababar dhanka jismiga ah.
NYS ayaa la billaabay sannadkii 1964-dii si ay dhallinyarada u siiso tababaro ku saabsan arrimaha dalka .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here