Waaxda dacwad oogidda oo xafiisyo ka furanaysa deegaanada fog

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan xafiisyo kala duwan ay ka furi doonaan meelaha ka fog caasimadda dalka ee Nairobi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabadan looga gol leeyahay in shacabka ay si fudud ku helaan adeegyada ay waaxdu bixiso.
Nuurdiin Xaaji ayaa intaas ku daray inay ku dadaalayaan sidii dhammaan Kenyaanka ay caddaalad ku heli lahayeen.
Sido kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay xoogga saari doonaan sidii shacabka loo fahansiin lahaa xuquuqda ay u leeyihiin inay gudbiyaan warbixino ku saabsan falal dambiyeedyada iyo cabashooyinka dhanka dacwad soo oogidda ee ay qabaan.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu kulan wada tashi ah kaga qeyb galay magaalada Isiolo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here