Waaxda dacwad soo oogidda oo war ka soo saartay fadeexadda COVID-19 ee Isiolo

Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa sheegtay in aysan diidin in dacwad ay ku soo oogto shakhsiyaad lala xiriiriyay fadeexad salka ku hayso arrimaha cudurka COVID-19 taasoo laga soo tabiyay ismaamulka Isiolo.
Waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah saxaafadda dalka.
Waaxda ODPP ayaa xustay in ay ciidamada booliska kula talisay inay warqadda dacwadda ku cadeyaan goobta ay ka soo qabteen mid kasta oo eedeysanayaasha ka mid ah xilli ay howlgallo sameyeen maadaama qoraalka la soo gudbiyay uu muujinaya in dhammaan hal meel laga soo wada qabtay .
Sarkaalka dacwad soo oogidda u qaabilsan ismaamulka Isiolo iyo taliyaha booliska ayaa hadda sheegaya in arrintan dib loo eegay oo la saxay khaladkii dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here