Waaxda dambi baarista oo qabatay qalab elektoroonik ah oo la xaday

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa ku guulaystay inay soo helaan 243 oo ah telefishiino la rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin hanti la dhacay oo uu qiimaheedu yahay 15 milyan oo shilin.
Qalabkan ayaa laga dhacay xarun uu ganacsade leeyahay oo ku taalla deegaanka Athi River 1-dii bishii Diseembar ee sannadkii aan ka soo gudubnay.
DCI ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitarka ku sheegtay in telefishinada laga helay guri ku yaalla xaafadda Buru-Buru qeybta Phase 4, Ukunda Court.
Intii ay howlgallada socdeen waxaa sido kale gacanta lagu dhigay nin ay da’diisu tahay 56 sano oo magaciisu lagu sheegay John Maina, oo la filayo in isniinta maxkamadda la soo taago .
Dacwadda lagu soo oogayo ayaa ah inuu gaystay dhac hantiyeed oo awood iyo rabshad loo adeegsaday.
Waaxda ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda ay soo heshay 373 oo ah shaashadaha wararka iyo barnaamijyada laga daawado iyo qalab kale oo elektoroonik ah sida firiijka biyaha.
Laba eedeysane oo lagu eedeyay inay ku lug leeyihiin qalab laga dhacay ismaamulka Machakos ayaa horay loo maxkamadeeyay.
28-kii bishii Diseembar ee sannadkii 2019-kii ayay ahayd markii ciidamada booliska ay soo qabteen 149 oo ah taleefoonada gacanta xilli ay howlgallo ka sameeyeen bartamaha caasimadda Nairobi waxayna xilligaas xireen 10 eedeysanayaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here