Waaxda dambi baarista oo shacabka digniin u dirtay

Creative abstract computer technology mobility and communication business concept: laptop notebook or netbook PC mini tablet computer touchscreen smartphone and desktop monitor display screen TV isolated on white background

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa dadweynaha uga digtay inay waxyaabaha elektorooniga ah sida Kompiyuutarrada loo yaqaano Laptops, taleefoonada gacanta, telefishinada iyo waxyaabaha la midka ah ay ka iibsadaan qof ama dallaal aan lahayn cinwaan rasmi ah oo laga xariiri karo, meherad ganacsi ama xafiis diiwaangashan oo uu ka howlgalo kaasi oo la aqoonsan karo.
Shacabka ayaa lagu wargeliyay in haddii ay shaki ka qabaan qalab loo dhiibay ama laga iibiyay laga doonayo inay warbixin u gudbiyaan saldhigga booliska ee ugu dhow ama xafiiska dambi baarista.
Waaxdan ayaa sheegtay in qofku ay saameyn ka soo gaari karto haysashada ama la wareegidda qalab elektoroonik ah oo laga yaabo in la soo xaday cidii lahaydna la dilay.
Qof waliba oo qalab elektoroonik ah iibsanaya ayaa laga doonayo inuu dalbado in la siiyo rasiit ama qoraal muujinaya macluumaadka agabkaasi.
DCI-da ayaa intaasi ku dartay inay suurtagal tahay in dambiile ahaan lagula xisaabtamo adigoo falkii dhacay aan ku lug lahaan.
Bishii sideedaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii gudaha magaaladatani Nairobi lagu qabtay 700 kombiyuutara ah oo qiimahoodu uu yahay 320 milyan kuwaasi oo la sheegay in laga soo xaday xafiiska madaxweyne ku xigeenka dalka iyadoo gacanta lagu dhigay 7 eedeysanayaal ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here