Waaxda dambi baarista oo sheegtay inuu jiro dahab si sharci darro ah looga ganacsado gudaha wadanka

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa qoraalo dhowr ah oo ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitarka waxay ku sheegtay in gudaha wadanka uu ka jiro ganacsi la xariira dahabka kaasi oo si sharci darro ah lagu fuliyo.
Qoraalada waaxdan waxaa qeyb ka ah in ganacsiga noocan ah uu gaaray heer aad u sarreeya iyadoo dhanka kale ay kordheen falal dambiyeedyada ku saabsan howlahani.
DCI-da ayaa sido kale sheegtay in dad badan oo ajaaniib ah oo aanan muujin wax tuhun ah lacago badan laga dhacay.
Safaaradaha dalalka kala duwan ay ku leeyihiin magaaladatani Nairobi ayaa lagu booriyay inay muwaadiniintooda howlaha ganacsi u imaanaya dalka ku wargeliyaan khiyaanada jirta.
Waxaa lagula taliyay inay shacabkooda u sheegaan in ugu horeyn ay la xariiraan waaxda dowladda dhexe u qaabilsan macdanta si loogu faahfaahiyo qaabka saxda ah ee lagu iibsan karo dahabka iyo macdanta kale ee muhiimka ah.
Sido kale dhammaan shacabka Kenyaanka ah iyo ajaaniibta wadanka ku sugan ayaa loo soo jeediyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan oo ayna si gaar ah isaga eegaan qofka ay dahabku ka iibsanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here