Waaxda dambi baarista oo su’aalo weydiisay xildhibaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri

Ciidamada waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa su’aalo weydiiyay mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Mathira ee ismaamulka Nyeri Rigathi Gachagua.
Tani ayaa timid kaddib markii shalay gacanta lagu dhigay siyaasigan oo lala xiriirinayo fadeexad musuqmaasuq oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday hantida shacabka.
Tallaabada Gachagua xabsiga loogu taxaabay ayaa timid kaddib markii ciidamada ay soo gabagabeyeen baaritaano ku saabsan sida uu wakiilkiisa ugu adeegsaday qandaraasyo been abuur ah kuwaas oo la siiyay 22 shirkadood .
Qandaraasyada la bixiyay ee hadda baaritaanadan lagu hayo ayaa waxaa bixiyay dowladda dhexe iyo sanduuqa horumarinta deegaanka ee CDF ee Mathira.
Gachagua ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in 4-tii galabnimo ee shalay ay saraakiisha dambi baarista ka kaxeyeen xafiiskiisa gaarka ah.
Waxaa uu qoraalka ku xusay in ciidamada ay u sheegeen in loo haysto fadeexad la xiriirta 12.4 bilyan oo shilin oo la musuqmaasuqay toddobo sano gudahood.
Xildhibaanka ayaa iska fogeeyay inuu saameyn ku yeeshay qandaraasyo la siiyay isaga iyo shirkado ay xiriir leeyihiin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ganacsi kasta oo uu sameeyay muddo 20 sano ah uu ahaa mid sharci ah.
Mr. Rigathi ayaa tilmaamay inuu maanta dib ugu laabanaya xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista ee DCI.
Dhawaan ayay ahayd markii la xannibay akoonnada bangiyeed ee siyaasigan maadaama dabagal lagu hayo hantidiisa oo lagu sheegay balaayiin shilin.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here