Waaxda dambi baarista oo u yeertay 48 sarkaal oo musuqmaasuq lagu eedeyay

63

Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. George Kinoti ayaa 48 sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha maamulka canshuuraha ee KRA ku amray inay maanta iska xaadiriyaan xarunta dhexe ee waaxda .
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee twitarka DCI-da ayaa lagu sheegay in dadkan lala xariirinayo baaritaano socdo oo ku aaddan musuqmaasuqa.
Saraakiishan ayaa la rumeysanyahay inay duumaalaysanayaan kaddib markii 41 kale la qabtay jimcihii.
Dhawaan ayay ahayd markii maamulka dowladda dhexe u qaabilsan aruurinta iyo maaraynta canshuuraha ee KRA uu sheegay inuu shaqada ka istaajiyay 75 sarkaal oo lagu eedeyay inay fududeyeen canshuuro aan la bixin.
Sido kale howlwadeenada ayaa loo haystaa ku lug lahaanshaha musuqmaasuqa gaar ahaan laaluush qaadasho.
Habdhaqamada aan wanaagsanayn ee ay saraakiishan ku kaceen waxaa ka mid ah bixinta shahaadooyin sharci darro ah oo muujinaya in qofku ama shiirkaddu ay canshuur bixiso.
Maamulka KRA ayaa intaasi ku daray in 62 ka mid ah shaqaalaha la eryay ay ka howlgalayeen ismaamulka Nairobi .
Baaritaanada ka dhanka ah ayaa socday afartii bilood ee ugu dambeeyay halka su’aalo la weydiin doono ka hor inta aan bishan gudaheeda maxkamadda la soo taagin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here