Waaxda DCI-da oo soo badbaadiyay 3 ka mid ah 7 gabdhood oo la sheegay in la la’a

Waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa ku raad jooga shaqsiyaad la sheegay inay tahriibiyaan gabdhaha yar islamarkaana u sheega inay musaafurinayaan.
Arrinta ayaa timid kaddib markii waaxda DCI-da ayaa soo badbaadiyeen 3 ka mid ah 7 gabdhood oo muddo toddobaad guryahooda ka maqnaa.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay waaxda DCI-da ku sheegtay inay socdaan dadaallo lagu badi goobaya gabdhaha kale ee maqan.
Baaritaano hordhac ah oo ay sameeyeen saraakiisha waaxda DCI-da ayaa lagu cadeeyay in in gabdhahan iyo kuwa tahriibiya ay iskala wada xiriirayeen akoon baraha bulshada oo lagu magacaabo Carty-gang-ent.
Waxaa sidoo kale shaqsiyaadka gabdha yar tahriibiya ay isticmaalaan nambarada taleefanada ee ka diiwaan gashan caalamka, in kastoo ay ka howlgalaan Nairobi.
Waalidiinta ayaa loogu baaqay inay ka war qabaan ubadkooda iyo sidoo kale habka da’a yarta u adeegsanyaan baraha bulshada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here