Waaxda DCI-da oo xashiish qabatay

Saraakiil ka socday waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay laba qof oo looga shakisan yahay inay ka ganacsadaan daroogada nooca xashiishka islamarkaana lagu qiimeeyay malaayin shilin.
Raggan oo magacoodu lagu sheegay Samuel Kimani Macharia iyo Peter Mwangi Kuria ayaa maanta la qabtay xilii mandoooriyaha ay u soo safrinayeen magaalada Nairobi iyaga oo ka soo qaaday magaalada Namanga.
Sida laga soo xigtay agaasinka dambi baarista ee (DCI), labadan shaqsi ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah la soo taago maxkamad iyagoo oo ku eedeeysan ka ganacsiga daroogada ee sharci darrada ah.
Dhanka kale, waxaa lala wareegay gaarigii ay ku wateen daroogada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here