Waaxda DCI oo baaraysa warar ku aaddan Coronavirus

Waaxda dambi baarista ee dalka ayaa sheegtay inay baaritaano ku sameynayso warar la faafiyay oo aan sax ahayn kuwaasoo ku saabsan caabuqa Coronavirus.
Arrintan ayaa timid kaddib markii wasaaradda caafimaadka ay shaacisay inay jiraan warar iyo muuqaallo been abuur ah oo la isku gudbinaya.
Waxay wasaaraddu intaas ku dartay in muuqaallada lagu wareejiyay waaxda dambi baarista ee DCI si loo eego oo loola xisaabtamo dadkii faafiyay.
Sido kale Kenyaanka ayaa looga digay inay sii faafiyaan waxyaabaha aan xaqiiqda ku saleysnayn ee laga sheegaya cudurka.
Dowladda ayaa wacad ku martay in cidii lagu helay maxkamadda la geeynaya si dacwad loogu soo oogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here