Waaxda DCI oo xaqiijisay maareeya la tuhunsan yahay oo la xiray

Waaxda dambi baariata dalka ee DCI ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee twitarka waxay ku xaqiijisqay in xabsiga la dhigay maareeyihii hore ee Dhismaha dotors park ee xaafada parkland ee magaalada Nairobi .
Arrintan ayaa timid kadib markii 30 kii bishii jaanayo ee sannadkan ay haweeneydaas sheegtay in dhismaha uu ku jiro bombaano.
Waxaa ay xilligaas ku wargelisay dadka ku ganacsada goobtaasi in qeybta shanaad ee dhismahaasi ee qaraxyo kujiraan waxayna cabsi badan soo wajahday dadka ku ganacsada daqabaqaasi ayagoona isaga baxay markii sidaasi lagu wargeliyay.
saraakiisha waaxda qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee ATPU aya goobta islamarkiiba gaaray ayagoona baritaano ku sameeyay waxayna markii damba xaqiijiyeen in arrintaasi ee waxbo kama jiraan tahay.
Eedaysanaha ayaa haataan gacanta ugu jirtay booliska iyadoona loo haysto ogeysiis been abuur ah kaas oo ay sheegtay in dhismaha ay bombaano kujirto.
Haweeneyda oo lagu magacaabo Ms Meera Dinesh Patel ayaa saraakiisha la dagaalanka argagixisada ee ATPU shalay soo qabteen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in haweeneyda lagu arkay dhismaha isla waqtiga ay bixineesay ogeysiiska.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inay ogeysiiska bixisay laba malin kadib markay ka tagaty xilkii ay ka heysay dhismahaasi.
Dhanka kale waaxda dembi baarista DCI-da ayaa barteeda rasmiga ee Tuwitarka ku soo qortay qoraal ay uga digayaan shacabka in falal noocaas lamid ah aysan sameynin.
Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa xili 5-tii bishii janaayo ee sannadkan weerar aragagixiso lagu qaaday xerada Simba Camp oo ku sugnayeen ciidamada militariga Kenya iyo kuwa Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here