Waaxda DCI oo xirtay nin sheeganayay inuu qareen yahay

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay Mr. Ethan Kamau Njagi oo lagu eedeyay in isagoo sheeganaya inuu qareen yahay uu shacab khiyaanay.
Saraakiisha dambi baarista ayaa xusay in eedeysanaha uu bixiyay amarro been abuur ah oo uu dadka ka dhaadhiciyay inay soo saareen maxkamadaha Kiambu iyo Nairobi.
Ninkan oo lagu qabtay xaafadda Kahawa West ayaa sido kale lacago ka qaatay qaar ka mid ah xubnaha bulshada ee aan ka shakin.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Mr. Ethan uu marar badan eedeysanayaal ku matalay maxkamadda isagoo iska dhigaya inuu si dhow ula shaqeeyo shirkadaha bixiya adeegyada sharciga ee ismaamullada Kiambu iyo Nairobi.
DCI ayaa xustay in dokumeentiyo been abuur ah oo ay ku qoran yihiin magacyada shirkado kala duwan laga soo helay gurigiisa waxaana loo adeegsan doonaa dacwadda lagu soo oogaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here