Waaxda difaaca Maraykanka oo beenisay in 14 ,000 oo ciidamo ah loo dirayo bariga dhexe

Waaxda gaashaandhigga ee dowladda Maraykanka ayaa beenisay warbixin lagu sheegay in ilaa 14,000 oo ciidamo dheeraad ah loo dirayo bariga dhexe iyadoo ay jirto khatar dhanka iiraan ah.
Joornaalka lagu magacaabo The Wall Street ayaa Arbacadii qoray in halkaasi sido kale la geeynayo maraakiib dheeri ah iyo in laba jibaar laga dhigayo tirada saraakiisha Maraykanka ee gobolka in kastoo uu soo xigtay saraakiil uunan magacyadoodu shaacin.
Wargayska ayaa sheegay in madaxwaynaha Mareykkanka Donald Trump uu horraanta bishan go’aaan ka gaari karo kordhinta ciidamada laakiin Pentagon ayaa su’aal gelisay xaqiiqda warbixintaas.
Afhayeenka waaxdan Alyssa Farah ayaa barteeda twittarka ku soo qortay inay iska caddahay in warbixinta aynan sax ahayn oo Maraykanka uunan ka baaran dagaynin inuu 14,000 oo ciidamo dheeraad ah uu geeyo bariga dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here