Waaxda KEBS oo mamnuucday 8 ka mid ah noocyada gacmaha nadiifiyaha

Waaxda dowladda dhexe u qaabilsan xaqiijinta tayada badeecooyinka ee (KEBS) ayaa si ku meel gaar ah leesimada ay ku shaqeeyaan ugala laabatay 8 ka mid ah shirkadaha soo saaro gacma nadiifiyaha loo yaqaano Hand Sanitizer.
Arritan ayaa timid kaddib markii shirkadahan lagu eedeyay inaynan soo buuxin shuruudihii laga doonayay.
Waaxda KEBS ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in calaamadda muujinaysa in badeecadda la ansaxiyay laguna dhex iibin karo gudaha wadanka aan loo adeegsan Karin gacma nadiifiyaasha kala ah Alphax (Kings Palace),Clean Essentials (Virtuelle Products Ltd),G&L (Orange Pharma),Gentle Care (Bidco Africa),Lili (Kenbrands International Company),Msiri (Mafleva International Ltd),Shi shi Natural iyo Spotless Advanced (Havana East Africa Trading).
Sido kale waaxdan ayaa shirkadaha soo saaro badeecooyinkan ku amartay inaynan ku sii dhex iibin gudaha wadanka.
KEBS ayaa dhanka kale qaadaysa tallaabooyin gacma nadiifiyaashan looga saaraya suuqa.
Qoraalka waxaa ku xusan in shirkadahan xayiraadda laga qaadi doono oo keliya marka ay fuliyaan shuruudaha lagu xiray ee ku aaddan tayada waxyaabaha ay iibiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here