Waaxda KNBS oo faahfaahisay sida loo adeegsanayo macluumaadka Tirakoobka qaran

Waaxda qaran ee qaabilsan keydinta macluumaadka iyo tirooyinka ee KNBS ayaa sheegtay in waxyaabaha ka soo baxo tirakoobka qaran ee hadda dalka ka socdo loo adeegsanayo in la ogaado tirada saxda ah ee shacabka ku nool gudaha dalka.
In la ogaado xaaladaha nololeed ee muwaadiniinta Kenyaanka ah.
Sido kale in si cadaalad iyo sinnaan ay ku dheehantahay loo qeybsado kheyraadka dalka.
Ujeeddooyinka kale ee laga leeyahay tirakoobka ayaa ah kala saaridda xuduudaha , bixinta adeegyada iyo soo saaridda hannaan ku saleysan deegaanka oo gacan ka gaysan karo cilmi baarista mustaqbalka.
Tirakoobka qaran oo tobankii sano hal mar ah la qabto ayaa ka socdo guud ahaan dalka tan iyo 24-kii bishan waxaa uuna dhammaanaya sabtida oo ay taariikhdu ku beegan tahay 31-da isla bishan sideedad sannadka 2019-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here