Waaxda KNBS oo sheegtay in la soo saarayo warbixino faahfaahsan oo la xiriira tirakoobka

Waaxda qaran ee qaabilsan keydinta tirooyinka ee KNBS ayaa shaaca ka qaadday inay diyaarinayso warbixino ku saabsan qodobo kala duwan sida waxbarashada, guriyeynta , dadka naafada ah, umul raaca , shaqooyinka iyo taranka .
Waaxdan ayaa hoosta ka xarriiqay in natiijadii tirakoobka ee lagu dhawaaqay maalinkii isniinta ay ahayd caddaddii koobaad sidaasi awgeedna la soo bandhigi doono warbixin faahfaahsan .
KNBS ayaa intaasi ku dartay in warbixinada ay tilmaami doonaan sida dadweynaha ay ugu kala noolyihiin tuulooyinka , deegaanada iyo ismaamulada, da’da, jinsiyadda iyo waxyaabaha dhaqaale ahaan ay ku tiirsan yihiin.
Waaxdan ayaa sheegtay in waxyaabaha tirada dadweynaha hoos u dhigi karto ay ka mid yihiin umul raaca, awoodda la xariirta taranka oo yaraato iyo in dadka qaar ay deegaano kale u wareegaan.
KNBS ayaa laga soo xigtay in xilligii tirakoobkii sannadkan la sameynayay inay howlgelisay 161,763 oo saraakiil ah.
Agaasimaha guud ee waaxda KNBS ee natiijada soo saartay Mr. Zachary Mwangi ayaa gaashaanka u daruuray eedeymo ay jeediyeen siyaasiyiinta qaar.
Waxaa uu difaaca natiijada la shaaciyay isagoo ku nuuxnuuxsaday inay adeegsadeen qaab heer caalami ah.

Mr. Mwangi ayaa sido kale sheegay in dadweynaha ay ku xisaabinayeen halka ay kula kulmaan intii tirakoobka uu socday oo aynan ahayn meesha ay ku noolyihiin ama gobolka ay ka soo jeedaan.
Natiijada tirakoobkan ayaa waxaa dhaliilay siyaasiyiinta gobolka waqooyi bari, qaar ka mid ah kuwa bartamaha dalka iyo waqooyiga Rift Valley.
Agaasimaha guud ee waaxda KNBS ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in sida wax ay u dhaceen uu faahfaahin ka siiyo mas’uuliyiinta cabanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here